”Cadaalad haka sugina QM!” – Erdogan oo ku baaqay in dalalka Muslimka ihi ay VETO ku yeeshaan Golaha Amaanka

0

(Ankara) 26 Dis 2018 – Madaxwaynaha Turkiga ee Recep Tayyip Erdogan ayaa soo jeediyey inaan cadaalad laga sugin Qaramada Midoobey, sida ay kasoo xigatey wakaaladda Anadolu Agency. 

“Cadaalada haka sugin Golaha Amaanka iyo Qaramada Midoobey, hana kaba raadinin, waxaasi halkaa kama jiraane,” ayuu yiri Erdogan oo ka hadlayay munaasabad abaal marineed oo ay qaban qaabiyeen Golaha Daraasaadka Sayniska iyo Tiknolojiyadda Turkiga iyo Akadamiyaha Cilmiga Turki (Scientific and Technological Research Council of Turkey (TUBITAK) iyo Turkish Academy of Sciences (TUBA)).

Erdogan ayaa sheegay in tusaale ahaan Muslimiinta aan loo ogolaanin inay arrimohooda caalamiga ah kaga hadlaan masraxa caalamiga ah ee Golaha Amaanka.

“Xaqiiqada ah in dunida Muslimka, oo ay ku nool yihiin dad ka badan 1.7 bilyan oo qofi, uusan xubin joogto ah ku lahayn Golaha Amaanka waa natiijo muujinaysa sida uusan xaalku caadi u ahayn,” ayuu daba dhigay.

Hoggaamiyaha Turkiga oo iminka ah meesha qura ee ay nafi kaga jirto dunida Muslimka oo ay ka keceen hoggaamiyeyaal ma dhalays ah iyo kooxo ”diimeedyo” ay Galbeedku si toos ah iyo si dadban danohooda ugu adeegsadaan ayaa ku baaqay in dib u eegis iyo is beddel lagu sameeyo QM iyo GA isagoo adeegsanaya hal ku dheggiisa caanka ah ee “dunida shan waa ka wayn tahay.”

“Dunida shan waa ka wayn tahay” wuxuu Recep Tayyip Erdogan u adeegsadaa inuu ku dhaleeceeyo shanta dal ee Golaha Amaanka ku leh kursiga joogtada ah iyo Diidmada Qayaxan – China, France, Russia, UK iyo Maraykanka.

Hadalsame Media