(Marka) 25 Dis 2018 – Shacabka Magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeellada Hoose ayaa walaac ka muujiyay g’odoon ururka Al-Shabaab saaray Magaaladaasi iyo tuulooyinka ku dhow dhow.
Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan ka saaray Al-Shabaab Magaalada Marka iyo deegaanada ku xeeran, waxaana taas bedelkeeda Al-Shabaabku ay xayiraad xagga nolosha ah saareen guud ahaan deegaanadii laga qabsaday.
Shabaabka ayaa Magaalada Marka u diidaya inay galaan bedeecooyinka iyo waxyaabaha kale ee aas-aasiga waxaana sidoo kale la sheegay inay shacabka ku amreen inaysan sii joogi karin gudaha Magaalada Marka, inkastoo amarkaasi uusan shaqeynin.
Magaalada Marka oo xeebta saaran ayaa hadda la sheegayaa inay kaliya u furan tahay dhanka badda laakin waxba barriga aysan ka soo gali karin, gaar ahaan ganacsatada ayaa saameynta ugu weyn ay taabatay.
Axmed Macalin Cumar (Axmed Nadiir) oo ka tirsan golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya ayaa dowladda Soomaaliya ugu baaqay inay kahor tagto dhibaatada Al-Shabaab ku hayaan shacabka Magaalada Marka iyo tuulooyinka ku dhow dhow.
Hadalsame Media