(Garowe) 25 Dis 2018 – Wasaaradda amniga maamulka Puntland, Soomaaliya ayaa AMAR culus dul dhigtay Musharaxiinta hoggaanka maamulkaasi oo dhowaan la filayo inay qabsoonto.
Fariintaan ugu dambeysay ayaa ka timid Axmed Cabdullaahi Yuusuf oo ah Wasiirka Amniga ee Maamulka Puntland, wuxuuna sheegay in Musharaxiinta xilka hoggaanka sare ee dowlad-goboleedka Puntland aan marnaba laga yeeli doonin hub iyo ciidamo u gaar ah inay la soo galaan deegaanada Puntland.
Wasiirka ayaa sheegay in Wasaaraddiisu ay masuul ka tahay amniga guud ee maamulkan iyo sidoo kale in ciidamo gaar ah ay siiso musharixiinta kuwaas oo looga maarmi karo buu yiri illaalo gaar ah.
Yeelkeede, Musharaxiinta ayaan la ogeyn sida ay amarkaan ugu hoggaansami doonaan maadama intooda badan ay haystaan illaalo iyo hub u gaar ah.
Doorashada Maamulka Puntland ayaa lagu wadaa inay dhacdo 8-da bisha soo socota ee sanadka cusub.
Hadalsame Media