JEESOW:- “Shacabka waa inay dareemaan halista Al-Shabaab, lana shaqeeyaan ciidamada,”

0

(Muqdisho) 25 Dis 2018 – Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa sheegay in Ciidamada amniga dowladda aysan kala saari karin shacabka iyo Shabaab sidaas awgeedna ay meesha ka maqan tahay kaalintii dadwaynaha caadiga ah.

Waxaa uu sheegay in dadka dhibaatada ugu badan ay ka soo gaarto weerarada ururka Al-Shabaab ay yihiin shacabka, islamarkaana ay dadka shacabka wali ku baraarugsanayn qatarka kooxdaasi.

Mr. Jeesoow ayaa sheegay in haddii shacabka ay la shaqeeyaan ciidamada amniga aysan Shabaab ku sii dhex dhuuman karin dadka shacabka.

“Sida ay ku badbaadi karaan shacabka ayaa ah, kii ganacsade ah, kii  guri leh, kan garaashka leh, kan wadada maraya in ay soo sheegaan ragga Shabaab ka tirsan. Shabaab dadka ayay ku dhex jiraan, Kontorooladda ayay maraan, si ay usii jirto dowladdnimadda Soomaaliya, waa in hal meel loogu soo wada jeestaan ragga ka tirsan Shabaab” ayuu yiri Xildhibaan Jeesow.

Hadalsame Media