Dowladda Federaalka Soomaaliya oo la wareegtey ciidamada Booliska Puntland

0

(Garoowe) 25 Dis 2018 – Dowladda Faderaalka ee Soomaaliya ayaa la wareegtay ciidamada booliska iyo daraawiishta Puntland, kaddib markii todobaadkan ay soo gaareen Puntland wafdi kasocda dowladda faderaalka Soomaaliya oo tirakoobaya ciidamada booliska ee Puntland.

Radio Daljir oo ka mid kuwa ka howlgala Puntland ayaa sheegtay in la xareeyey dhammaan ciidamada bilayska Puntland ee ku sugan gobolada, kuwaasi oo magacyadooda iyo taleefanadooda la diiwaangeliyay, loona sameyey kaarar ay ku qaataan mushaaraadka ciidamada.

Qorshaha ayaa ah ciidamada inay mushaaraadka ka qaataan akoono bankiyada dalka ka howlgala, kuwaasi oo ay ku qaadanayaan kaarar aqoonsi oo la siiyay.

Saraakiil kasocda dowladda faderaalka oo wada tirokoobka ayaa horay usoo maray magaalooyinka Gaalkacyo, Garoowe, Carmo, ciidamada ku sugan jiidda hore Tukaraq, waxaana hadda la diiwaangelinayaa ciidamada bilayska ee Bosaso.

Xukuumadda Madaxwayne Cabdiwali Cali Gaas ayaan illaa iyo hadda wax war ah ka soo saarin qorshaha hadda socda ee DFS, lamana oga in ay wax kala socoto qorshahaas iyo in kale.

Xigasho: Radio Daljir

Hadalsame Media