(Hadalsame) 25 Dis 2018 – Waxaan inta badan aragnaa Soomaalida oo iyadoo shaatiyo kala geddisan gashan isku jikaarta doodo ku aaddan faragelinta caalamiga ah ee ay Somalia u ban baxday tan iyo burburkii nidaamkii dhexe, iyadoo aa la iskaga garaabaynin asbaabaha keenaya.
Kaarka ugu duugsan ee la adeegsado waa midka dalalka deriska ah oo uu siyaasigu ”neceb yahay” oo qura marka uu saaran yahay kaabadda mucaaradka, laakiin marka uu kursiga ku fariisto uu kalaankiisu is beddelayo.
Yeelkeede, marka koowaadba waxaa khalad ah erayga ”nacaybka Itoobiya”, waayo uma baahnin inaan Itoobiya necaanno oo waa umad aannu deris nahay oo weliba Islaam u badan tiro ahaan, balse waxaa sax ah inaan nebcaanno faragelinta lagu sameeynayo arrimeheenna gudaha, dalkii ay doonto haka timaaddee. Waxaan kaloo u baahan nahay inaan noqonno umad arrimeheeda jirata, kaddib dal kale arrimeheenna sooma geli karo umana baahnin inaan dhibbane cidna u noqonno oo cidii nasoo maagta waan ku aadi lahayn.
MA NECEB TAHAY FARAGELINTA ITOOBIYA?
Hadda kahor mar aan daawanayay barnaamij dokumenteri ahaa uu Channel 4 oo ku yaalla UK ka sameeyay heerkii ugu sarreeyay ee ay gaarto faragelinta Itoobiya wuxuu sheegay in wasiiradii dowladdii KMG ahayd ee Cabdullaahi Yuusuf (AUN) ay xitaa awaamiirta howlgelineed ee maalinlaha ah ugu tegi jireen Gen. Gabre oo xilligaa hoggaaminayay ciidamadii Itoobiya ee duullaanka ku yimid, kuwoodii Muqdisho joogey.
Halkan hoose ka DAAWO…
Waxay marba heer soo marto oo aannu xitaa aragno hal degmo oo Somalia ku taalla oo dad walaalo ah oo wada deggan uu u gar naqayo Wasiir Dibadeedkii hore ee Itoobiya Dr Tedros Adhanom.
Waqti xaadirkan waloow aysan si buuxda u dhamaanin la iskuna halleeyn karin inay sidaa kusii soconayso, waxaa la oran karaa faragelinta Itoobiya waxay mareeysaa heerkii ugu hooseeyay oo ilaa xad arrimaha dowladda Somalia faraha kulama jirto.
MAXAA BAAJIN KARA FARAGELINTA ARRIMEHEENNA?
Horta marka hore aannu is waydiinnee goorma ayay bilaabatay in si cad loo farageliyo arrimeheenna gudaha? Maxaa sababay ama sahlay in ay dalal Afrikaan ah oo asaaggeen ihi ku dhiirradaan inay na farageliyaan? Ka warran qof ku doodaya inuu ”neceb yahay” faragelinta Itoobiya ee misna ku baaqaya ama dhiirri gelinaya in Soomaalidu qaybsanto, calamo kala sameeysato, is colaadiso oo foowdada kusii jirto?
Jawaabaha adiga ayaan qaar kuu daynayaa, balse aan ka af celiyo midda ugu muhiimsan oo ah sababta ugu wayn ee keenaysa faragelinta dhacday, berrina soo celinaysa haddii aan xalkeeda la keenin.
Waxa ugu wayni waa dowlad la’aanta, marka aadan lahayn dowlad adag oo maaraysa arrimaha dalkaaga, dadkaaga abaabusha, xuduudaha iyo xeebahaagana ilaalisa waxaad baylah u noqonaysaa in dalkaaga ay iska soo gasho wixii ay doontana ka sameeyso ciddii doonta, iska soo geliddana ku ekaan maysee waxay ciddaasi (Itoobiya iyo tu kaleba) hollinaysaa inay ku wada qabsato ugu yaraan si dadban iyadoo kuu sameeynaysa nidaamyo maqaar saar ah oo iyada u muraad qumiya.
Dal kale waxaa la xaasha dowlad ee bulsho aan iyadu is rabin iyo foowdo gudeed waxba loogama gooyo, qiyaas 2006-dii inta qof ee Soomaali oo farsamo ahaan sacabooleey ah marka loo eego Itoobiya uga dhimatay dagaalkaasi? Haddii ay Soomaaliya ciidan dhisan leedahay ama dowlad isku filan tahay taasi ma dhici lahayd?
Dadka 24/7 sida khaldan u adeegsanaya kaarka dhacsan ee isticmaalkii laga badiyey (overused) ee Itoobiya ee qaarkood shalay la socdey ay maanta dhaliilayaan, kuwa maanta dhaliilayana ay berri la socon doonaan, waxaa ka fiican inay umadda ka daayaan siyaasadaha duugga ah ee ku dhisan hiyi kaca iyo aragtiyaha ceeriinka ah ee cishadaa uun ku faca ah. Qof doonaya ma jiro faragelin dal kale, laakiin waxaa hubaal ah in waxa qura ee looga siraad kori karaa aysan ahayn hadal maran oo laabla kac ah balse ay tahay dhismaha iyo xoojinta dowladnimada Somalia.
Haddaba, ma neceb tahay inaan dalkeenna la faragelin? Taageer dhismaha iyo fariisinta dowlad Soomaaliyeed oo deeto yeelata ciidan qaran oo ku filan ilaalinta xeebaha iyo xuduudaha qaranka Somalia. Umaddana hallaga daayo oohin yaxaasta iyo iimeheeda looga faa’iidaysanayo dano khaas ah oo qurunsan & qabyaalad aan cidna quud ku heli doonin.
Waxaa Qoray: Maxamed Xaaji
Hadalsame Media