(Garoowe) 25 Dis 2018 – Musharraxa madaxtinnimada maamul-goboleedka Puntland Md Cabdisamad Maxamed Gallan oo waraysi siinayay idaacadda Daljir ku eedeeyay in sida uu yiri uu burburinayo Puntland isagoo hiil u doontey sharikado shisheeye, taasoo uu ku tilmaamay faragelin.
Md Gallan ayaa ganafka ku dhuftay in arrimaha gudaha gobolkaasi ay soo galaan ama talo ku yeeshaan hay’ado iyo dalal shisheeye, isagoo sheegay inuu Gaas ku fashilmay siyaasadda maamulka iyo midda dowladda dhexe.
”Inuu u tago dowlado iyo sharikado shisheeye oo uu waydiisto hiil uu wax ku qabsado waa faragelin, shirkadahaasna taa waannu uga digaynaa” ayuu yiri Gallan.
Hoos ka daawo waraysigan oo uu siiyay Radio Daljir.
Hadalsame Media