Ruushka oo mar kale doonaya inuu suuqa dayuuradaha rakaabka ah ku cariiriyo Boeing & Airbus + Sawirro

0

(Moscow) 24 Dis 2018 – Sharikadda dayuuradaha farsameeysa ee Ruushanka ah ee Sukhoi Civil Aircraft ayaa qorsheeynaysa inay 28 dayuuradood oo ah nooca rakaabka ah ee Sukhoi SuperJet 100 (SSJ-100), sida uu sheegay madaxwaynaha sharikaddaasi, Alexander Rubtsov.

“Sanadkan waxaannu soo saarnay oo howlgalay 26 dayuuradood, sanadka xiga waxaan ka dhigaynaa 28. Mustaqbalka se waxaa noo qorshaysan inaan soo saarno 30-35 oo joogto ah,” ayuu yiri Rubtsov oo la hadlayay Rossiya 24 TV.

Rubtsov ayaa hoosta ka xarriiqay inay iminka howlgalaan 136 dayuuradood oo ay sharikaddoodu samaysay, kuwaasoo badankoodu ay rakaabka qaadaan.

Sukhoi SuperJet 100 waa dayuuradda ugu dambeeysa uguna casrisan waana laba matoorreey howleheeda bilowday 2011. Waxay qaadi kartaa 98 rakaab ah, waxaana adeegsada sharikaadka dayuuradeed ee Laos, Mexico iyo midda Ruushka ah ee Aeroflot.

Ruushka ayaa weli meel hoose ka jooga suuqa dayuuradaha rakaabka ah (Commercial Airliners), waxaana iminka kaga xoog badan Boeing oo Maraykanku sameeyo iyo Airbus oo ay Yurub isla leedahay. Iiraan ayaa ka mid ah dalalka doonaya inay dalbadaan dayuuradahan Ruushka ee rakaableeyda ah.

Hadalsame Media