Oromada oo noqotay IINTA siyaasadeed ee uu leeyahay Abiy Ahmed (Maxaa soo kordhay?)

0

(Addis Abeba) 24 Dis 2018 – Jabhadahha qoomwiyadda ugu tirada badan Itoobiya ee OLF ayaa dowladda ku eedeeynaysa inay jebiyeen heshiiskii nabadeed ee taariikhiga ahaa ee wada gaareen, kaasoo looga dan lahaa in ururkani hubka dhigo oo siyaasadda qoorqooraysto.

Jabhadda Oromo Liberation Front (OLF) ayaa sheegay inay dowladdu ku fashilantay inay fuliso qodobbo dhowr ah oo asaasi u ahaa heshiiska sida in dableeydii is dhiibtey ee galay xeryaha dhaqan gelinta iyo hub ka dhigista aan la siinin daryeel qaab leh.

Oromada oo dalka Itoobiya qiyaastii ka ah 35% ayaa u muuqda kuwo jidka ka ridaya siyaasadda RW Abiy Ahmed oo isla qoowmiyaddaa ka dhashay, kaasoo OLF la heshiiyay bishii Agoosto kaddibna ka saaray liiska argagaxisida, iyadoo laba bilood kaddib Addis Abeba lagu soo dhoweeyay hoggaamiyohooda.

Kaddib dhicistii nidaamkii dergiga ee Mengistu Haile Mariam 1991-kii, waxay OLF la midoowdey EPRDF, balse dib ayay uga bexeen sanad kaddib 1992-kii oo ay hubka qaateen mar kale.

Haatan, marka laga soo tago eedaymaha ay sheeganayso OLF waxaa dhanka kale la sheegay in canaasiir ka tirsan isla jabhaddaasi ay khalkhal amaan iyo dembiyo ka qayb galaan, sida dagaallada Soomaalida iyo Oromada oo ka mid ah waxyaabaha ay Oromadu waddo ee wejiga ka gubaya Abiy Ahmed.

Hadalsame Media