MW Farmaajo oo kulan la qaatay Wasiirka Maaliyadda (Maxay ka hadleen?)

0

(Muqdisho) 24 Dis 2018 – Wasiirka Maaliyadda Dr Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa kulan gaar ah Madaxtooyada qaranka kula yeeshay Madaxwayne Max’ed Cabdullaahi Farmaajo.

Dr Bayle ayaa sheegay inay Madaxwaynaha isla soo qaadeen arrimo ay ka mid yihiin dib u habeeynta iyo hagaajinta hannaanka maaliyadeed ee qaranka.

Waxaa uu intaa raacshey inuu sidoo kale warbixin Madaxwaynaha ka siiyay halka ay marayaan qorshayaasha caalamiga ah iyo natiijooyinkii kasoo baxay kulankii Jaamacadda Carabta ee Qaahira usbuucii tagay uga qeyb galay.

Hadalsame Media