(Muqdisho) 24 Dis 2018 – Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Saakay xukun dil ah ku fulisay Cabdiqaadir Abuukar Shaacir oo ka tirsanaa sida la sheegayo ururka Alshabaab,
Waxaa eedeysanaha dilka lagu fuliyay la sheegay inuu shabaabka u qaabilsanaa inuu gawaaridda qaraxyadda ah dhigo goobaha ay shacabku ku badan yihiin sida ay sheegtay warbaahinta dowladda.
Ninkan waxay Ciidamadda Ammaanku ku qabteen Degmadda Xamarwayne xilli uu halkaasi dhigay sida la sheegay gaari qaraxyo ay saaranaayeen, waxaa sidoo kale la sheegay inuu ahaa shaqsigii dhigay gaari qaraxa ah agagaarka Wasaaradda Amniga Qaranka.
Hoos ka akhriso dawacda xeer-illaalinta ee la xiriirta kiiskaan.
Taariikhdu Markay ahayd 30/11/2017, Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida waxay markii saddexaad u fariisatay Dacwad Ciqaabeedkii loo haystay C/qaadir Abuukar Shaacir Max’ed 41 jir ah ina Shoobto Shaacir ku dhashay Xamar, kaasoo Xafiiska Xeer ilaalinta Ciidamada Qalabka sida ku soo eedeeyey in uu ka tirsanaa Al-shabaab, una qaabilsanaa Qeybta Qaraxyada, isagoo sahmin jiray goobaha ay kooxdu rabaan in ay ka fuliyaan qaraxyada, sidoo kalena baabuurta laga soo buuxiyay qaraxyada gayn jiray goobtii uu soo sahmiyay si loogu qarxiyo, waxaana ka mid ahaa goobihii la qarxiyay ee uu soo sahmiyay:-
- Taariikhdu markay ahayd 13/03/2017, Qaraxii ka dhacay afaafka hore ee Hotel Wehliye, halkaasoo ay ku geeriyoodeen 10ruux, kuna dhaawacmeen 17ruux oo kale.
- Taariikhdu markay ahayd 05/04/2017, wuxuu geeyay Baabuur Saaruf ah oo ay ka buuxaan walxaha qarxa Maqaayad kasoo horjeeda Wasaarada sportiga agagaarka xaruntii wasaarada Amniga, qaraxaas oo ay ku geeriyoodeen 9ruux, kuna dhaawacmeen 10ruux oo kale.
- Sidoo kale wuxuu soo sahmiyay Qaraxii ka dhacay Baar Italia Taariikhdu markay ahayd 08/05/2017, halkaasoo ay ku geeriyoodeen 7Ruux kuna dhaawacmeen 11Ruux oo kale.
- , taariikhdu markay ahayd 15/5/2017., ciidamadu amnigu waxay ku qabteen C/qaadir Abuukar Shaacir Max’ed isagoo wado gaarigii qaraxa ahaa ee ku qarxay Degmada X/wayne gaar ahaan EX. Eenaayo.
Taariikhdu markey ahayd 06/12/2017 Dembiile Shabaab C/qaadir Abuukar Shaacir Max’ed waxey maxkamada ciidamada qalabka sida ku Xukuntay Dil toogasho oo ah .
Maanta oo ay Taariikhdu tahay 24/12/2018 waxaa lagu fuliyay Xukunkii dilka toogashada ahaa.
Hadalsame Media