Man United oo 5 daqiiqo sugtey, 15 kalena uga takhalustay taariikhdii Jose Mourinho! + Sawirro (Maxaa dhacay?)

0

(Carrington) 24 Dis 2018 – Kooxda Manchester United ayaa la sheegay inay waqti badan ku qaadanin inay xusuustii Jose Mourinho ka tirtirto xafiisyadeeda, iyadoo olole ‘nadiifin’ ah ku qaadday xafiiskiisa gaarka ah ‘5 daqiiqo uun kaddib’ markii la eryey.

Macallinkan reer Portuguese ayay United albaabka tustay ka gadaal markii ay samaysay bilowgii abid ugu xumaa ee Premier League iyadoo Mou warka loo sheegay 9:46 oo ahayd xilligii uu yimi isagoo dhoolla caddaynaya oo uu garku u xiiran yahay, isagoo qaadan doona £22.5milyan oo gini oo ka harsan qandaraaskiisa Carrington oo ahaa 3 sano iyo bar.

Mourinho ayaa waxaa warka cayrinta si fool ka fool ah dhegihiisa ugu dhibciyay guddoomiye xigeenka Ed Woodward, iyadoo ay shaqaalaha United ku qaadatay 15 daqiiqo uun inay qolkiisa kala haatiyaan iyagoo kartoonno ku guray koobab, shahaadooyin, sawirro iyo waxyaabo kale oo uu isagu ahaa oo gaari cad lagu cambuuleeyay.

Ilo ku dhow The Sun ayaa yiri: ‘Naadigu uma naxariisan Mourinho. 5 daqiiqo uun kaddib markii la eryey goobta ayay joogeen. Waxayna ku qaadatay 15 daqiiqo inay xafiiskiisa ka tirtiraan taariikhdiisii iyo raadkiisii oo ay gaari cad ku rareen.”

Waxaa booskiisa si KMG ah loogu magacaabay halyeeygii kooxdaasi
Ole Gunnar Solskjaer.

Hadalsame Media