(Muqdisho) 24 Dis 2018 – Shiikh Maxamed Abdi oo ka mid ahaa macalimiinta Jaamacadda Daaha ee Magaalada Muqdisho ayaa goor dhow oo saaka ah lagu dilay xaafadda Haanta-dheer ee degmasda Dayniile.
Goobjoogayaal ayaa u sheegay Hadalsame in rag bastoolado ku hubeysan ay dilka ka damebeyeen kuwaas oo goobta ka baxsaday kadib dilka. Dilka ayaa dhacay xili marxuumka la dilay uu ka soo baxay gurrigiisa oo halkaasi ku yaala.
Ninka la dilay ayaa waxa lagu Magacaabi jiray Sheekh Maxamad Cabdi oo loo yaqaanay (oongooye) waxaana sidoo kale wararku sheegayaan inuu la shaqaynayay wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ee dowladda Soomaaliya.
Ma jirto cid sheegatay dilkaan hase ahaatee waa calaamad ka mid ah falalka lagu yaqaano kooxda Al-Shabaab.
Hadalsame Media