Kooxaha Daacish iyo Al-Shaaab oo ku dagaalamay Koonfurta Soomaaliya (Faahfaahin)

0


(Ceel-Cade) 24 Dis 2018 – Wararka laga helayo deegaanka Ceel-cade ee gobolka Gedo iyo tuulooyinka hoos yimaada ayaa sheegaya in halkaasi ay ka taagan tahay xiisad colaadeed oo u dhaxeeysa kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish.

Dagaal culus ayaa labadaan kooxood illaa shalay ku dhexmaraya qaybo ka mid ah gobolka Gedo sida ay sheegayaan ilo wareedyo deegaanka ah.

Ugu yaraan 10 ruux ayaa labada dhinac kaga dhimatay dagaalkii shalay waxaana wali taagan xiisada u dhaxeysa kooxahaan oo markii hore hal garab ahaa hase ahaatee kala jabay. Dagaalka labada kooxood ayaa saameeyay dadka shacabka waxaana jira khasaare soo gaaray dad shacab ah sida wararku sheegayaan.

Tuulada Lahelow ayaa dagaalka ugu culus ka dhacay xalay waxaana halkaasi sidoo kale ku dhintay labo ruux oo sida la sheegay ka mid ahaa dadka deegaanka.

Ururka Al-Shabaab ayaa maalmo kahor soo saaray bayaan kulul oo ay ku iclaamiyeen dagaal ka dhan ah ururka Daacish faraciisa Soomaaliya.

Hadalsame Media