DAAWO: Weriye caan ah oo ka cowday CUNSURIYADDA Soomaalida! (Sheeko xanuun badan)

0

(Hargaysa) 24 Dis 2018 – Weriyaha ruug caddaaga ah ee Maxamed Xasan Cali Weji ayaa mar uu ka sheekeeynayay taariikhdiisa wuxuu ka hadlay waayihii soo maray min iskuulkii hoose ilaa jaamacad ilaa uu weriye ka noqday Radio Muqdisho.

Weji ayaa ka sheekeeyay hayb sooc iyo sinji quursi uu la kulmay isagoo aad u yaraa, iyadoo iinta qura ee uu leeyahay ay tahay inuu yahay Soomaali asal ah oo weliba farsamo iyo karti leh, si ka duwan in badan oo afka uun ka hadli taqaanna wax kale oo micne lehna aan abid soo kordhin.

Wuxuu sheegay inay ugu darnayd maalintii la gaynayay dugsiga hoose ee aabbihii lagu yiri: ”Waar maxaad halkan u keentay muu birtiisii iska tunto!” Weedhaas wuxuu Weji u qeexay sida sax ahaan ay u dhashamayso saykoloji ahaan, weliba ilmo yar oo jilicsan.

”Xabbad la igu dhuftay ayay iiga dhignayd!” ayuu yiri Weji oo laakiin dhanka kale muujiyay adkaysi iyo karti uu u yeeshay turaanturrooyinkaas iyo erayadaa niicda ah ee bilaa xikmadda ahaa.

Weriye Weji wuxuu dhanka kale farriin dadban u diray isla dadka la hayb sooco oo uu ku eedeeyay han yari iyo is dhiibid ka reebta inay ka qayb qaataan howlaha kala geddisan ee bulshada dhexe sida waxbarashada, ganacsiga, siyaasadda iwm. ”Waxay ii yaqaanneen faro-naagoodle!” ayuu yiri.

Hoos ka daawo waraysiga oo aan kasoo dheeganney Astaan TV.

Hadalsame Media