DAAWO: Ronaldo oo ku dhaqaaqay hal arrin oo uu shaqayn waydey!

0

(Torino) 24 Dis 2018Cristiano Ronaldo ayaa isku dayay inuu cadaadis saaro garsoorihii qabanayey kulankii ay Juventus 1-0 uga badisay Roma isagoo ag istaagey kuna dhaygagay garsoorihii ciyaarta xilli uu isna eegayay muuqaalka VAR.

Qaybihii dambe ee ciyaarta ayaa waxaa gool 2-aad dhaliyey Douglas Costa balse Ronie ayaa holliyey inuu garsooraha ku cadaadiyo inuu goolkaa ansixiyo.

Yeelkeede, seeri walihii waxba kama bedelin ag taagnidii Ronaldo oo wuu diidey goolka kaddib markii uu la tashaday saraakiisha VAR iyo muuqaalka ku celiska ah ee shaashadda.

Hadalsame Media