(N’Djamena) 24 Dis 2018 – Askari Faransiis ah oo wax mitir uun ka yar u jirey halka uu taagnaa Madaxwaynaha Faransiiska ee Emmanuel Macron ayaa suuxay, jeer la qaadayay astaanta calanka Faransiiska ee “La Marseillaise” iyadoo uu madaxwaynuhu u khudbaynayay ciidamada Faransiiska ka jooga dalka Chad.
Arrintan ayaa waxaa qabtay Twitter oo toos usoo duwayay khudbadda Macron oo ka hadlayay xero ciidan oo ku taalla caasimadda N’Djamena, oo ay ciidamada dalkaasi ka wadaan howlgallo ka dhan ah kooxaha Boko Xaraam ee xag-jirka ah.
Khudbadda Madaxwaynaha oo socotey 20 daqiiqo ayaa waxaa lagusoo afjaray astaanta calanka La Marseillaise, balse waxaa istaagga ka faniinay askarigan oo u muuqdey mid miir daboolmay.
Hadalsame Media