Wasaaradda Arrimaha Diinta oo guul muhim ah kasoo hooysey Sucuudiga + Sawirro

0

(Riyaad) 23 Dis 2018 – Wasaaradda Awqaafta iyo Arimaha diinta ayaa shaacisay in sanadkan Xujeyda Soomaalida la gaarsiin doono 11,500 halka sanadkii hore ay ka ahaayeen 9,300, taas oo ka dhigan in lagu kordhin doono 2,200 oo xaaji.

Sidoo kale Wasaaradda ayaa xustay in ay dowlada Sacuudiga isla garteen in la tayeeyo adeegyada muhiimka ah ee ay u baahanyihiin xujeeyda Soomaaliyeed.

Xujeeyda Soomaaliyeed ayaa inta badan ka cowda laba arrimood oo ay midi tahay noolka laga qaado oo aad u badan, kaasoo ay dowladda iminka jirtaa wax ka dhintay balse weli badan iyo adeeg xumo ku qabsata meesha xilliyada ay xajinayaan ama cumraysanayaan.

Yeelkeede, iminka dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudiga ayaa islagartay  in aad loo wanaajiyo adeegyada lasiiyo Soomaalida, haddey ahaan lahayd, deegaannada gaadiidka  iyo cunnada. Wasiirka waxaa kaloo uu sheegay in lagu ballamay in la dadajiyo soo saarista viisayaasha xajka iyo adeegyada kale ee xajka ee ay u baahanyihiin umadda Soomaaliyeed

Hadalsame Media