Nicholas Haysom oo cambaareeyay weeraradii ka dhacay Muqdisho ee lagu dilay dad u badan shacab

0

(Muqdisho) 23 Dis 2018 – Ururka Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxyadii shalay oo, midkii ugu horreeyay ka dhacay goob baaritaan oo ku taal agagaarka Tiyaatarka  Qaranka ee Muqdisho,waxaana dadka dhintay ka mid ahaa Wariye ka howlgalayay Tv-ga Universal oo fadhigiisu uu yahay magaalada London.

“Weerarada Muqdisho ka dhacay ayaa muujinaya weerar kale oo fulaynimo ah oo lala beegsado dadka Soomaaliyeed iyo xuquuqda ay u leeyihiin iney ku noolaadaan nabadgelyo iyo sharaf, “ayuu yiri Mr Haysom. “Waxaan ku boorrineynaa mas’uuliyiinta Soomaalida inay ku dadaalaan in ay la dagaallamaan xag-jirnimada oo masuul ka ah denbiyadani naxdinta leh. Waxaan tacsi tiiraan leh u diraynaa qoysaska iyo saaxiibadii dhintay, waxaana rajeyneynaa in dadka dhaawacmay si dhaqsi ah kaga bogsoodaan. ” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Mr. Nicholas Haysom.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Guddoomiyaha Golaha shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan ayaa si wadajir ah u cambaareeyay Qaraxyadii ay kooxaha argagixisada ka fuliyeen Muqdisho,waxayna ku baaqeen in hal meel looga soo wada jeesto kooxaha nabad diidka.

Hadalsame Media