(Addis Ababa) 23 Dis 2018 – Urur Goboleedka IGAD ayaa si weyn u taageeray guulaha ay ku talaabsanayso sida la sheegay dowladda Federaalka Soomaaliya, ayna diyaar u yihiin sidii taageero ay ula garab istaagi lahaayeen,dhismaha mamulada oo horseedaysaa in doorasho qof iyo cod ah ay dalka ka dhacday sanadka 2020.
Sidoo kale waxaa ay sheegeen in ay soo dhaweynayaan go’aanada dowladda Soomaliya ee ku aadan in doorasho xor iyo xalal ah ay dalka ka dhacdo,si loo xaqiijiyo in dhamaan lag awada qeybgalo,iyadoo loo maraya geedi socodka siyaasadeed ee dalka.
“IGAD waxaa ay dhiirogelinaysaa hanaanka dimoqraadiyadeed ee ka hana qaadaya Soomaaliya, lana xoojinayo dowladwanaaga,iyo in si guud ay dadku uga qeybgalaan dhismaha dowladnimada si ay u helaan xuquuqqaadkoodi muwaadanimo,waxaana IGAD ay sii wadi doontaa in Soomaaliya ay garab istaagto si midnimo loo helo waqtigan oo adage e lagu guda jiro,si degnaansho iyo nabad waarta dalka loogu soo dabaalo”. Ayaa lagu yiri qoraalkaasi.
Hadalsame Media