(Muqdisho) 23 Dis 2018 – Si ugu yaraan loo yareeyo tacadiyada, dhimashada, dhaawaca, burburka iyo qaska kooxaha ka soo horjeeda dib u dhiska Soomaaliya iyo dowladnimo dhab ah waxaa lagama maarmaan ah in marka hore la cadeeyo sababaha kaalmeynaya dhibaatooyinkan. Warsidaha Hadalsame Media ayaa si su’aalahaan hoose oo dhan jawaabo waafi ah loogu helo waxaa uu baaris qota-dheer ku sameeyay daruufaha amni ee ka jira dalka gaar ahaan Magaalada Muqdisho.
- Wadashaqaynta shacabka iyo hay’addaha amniga dowladda?
- Waa maxay caqabadaha hortaagan amniga
- Qaraxyada halakeeyay ummada ma la joojin karaa?
- Yaa maalgaliya oo qarash ku bixiya dhimashada iyo dhaawaca dadka Soomaaliyeed
Hadaan run la sheegin roob ma imaanayo. Dhibaatada oo si wanaagsan loo sheego waa qayb ka mid ah xalka. (“A problem well-stated is half–solved)
Muqdisho waa Magaalo ay ku nool yihiin ku dhawaad Afar Malyan oo ruux waana halbowlaha dhaqaalaha dalka, waxaana ay xarun u tahay dowladda dhexe iyo guud ahaan xaafiisyada Hay’addaha caalamiga iyo wakiillada taageera Soomaaliya ee Beesha Caalamka.
Ururka Al-Shabaab oo ah wakiilka Al-qaacida ee geeska Afrika ayaa xoojiyay weerarada abaabulan ee ka dhacaya Muqdisho waxaana qaraxyada iyo dilalku yihiin kuwa ugu badan ee naafeeyay himilada shacabka iyo dib u dhiska Magaalada.
Waxaase, war wanaagsan ah, in shacabka caasimadda ay yihiin kuwa la qabsaday dhibta oo aysan marnaba joojin dhacdooyinka waxaana la xasuustaa in Magaaladu ka soo kabatay weerarkii 14Oct ee sanadkii hore kaasoo galaaftay nolosha boqolaal ruux maalin gudaheed.
Wadashaqaynta shacabka iyo hay’addaha amniga ee dowladda?
Dowladnimadu waa shacab, waxaana meesha ka maqan fahamka shacabku ka haysto hay’ddaha amniga, Tiiyoo 30 sanno jirka xamar jooga uusan wax badan ka aqoon waxa laga faa’iidayo dowlad.
Taasi waxay sahashay in qof kasta oo shacab ah oo xamar jooga uu Marada madaxiisa ku xirto si uu ula dagaalamo noloshiisa gaarka ah wuxuuna u marayaa dariiqa ugu fudud ee uu ku heli karaa xitaa haddii ay noqoto mid Halaag u horseedi karta.
“Anigu waligey dowlad xoolaheeda iyo adeegeeda, ha ahaado mid amni ama dhaqaale ma arkin mana ogi faa’iidada iyo khasaaraha dowlad iyo dowlad la’aan u dhaxeeya,” ayay tiri Maryam Abuukar oo ah hooyo haysta afar carruur ah.
“Xitaa carruurteyda ima waydiiyaan maxaa la dhahaa dowlad, maxaase laga helaa dowladnimada ayay sii raacisay,” ayay sii raacisay Maryan.
Dowladnimada Soomaaliya oo hadda ah mid soo kabanaysa ayaysan jirin wax adeegyo dadwayne ah oo laga helo dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamullada ka jira dalka.
Tusaale,ma jiraan adeegyadii dowladnimada looga baahnaa sida Biyo nadiif ah, Koronto, Caafimaad iyo waxbarasho bilaash ah.
Waxa kaliya oo ay dowladda Soomaaliya la rafanayso waa sidii ay ku dabooli lahayd baahiya shaqaalaheeda rayidka ah oo aan ka badnayn shan kun oo ruux iyo ciidamada qalabka sida oo iyaguba aan haysan qalab iyo tayo ku fillan.
Maqnaanshaha adeegyadii Bulshada oo amnigu Kow ka yahay waxay hoos u sii dhigtay niyadda shacabka oo inkastoo ay aad u ugu ooman yihiin dowladnimo taam ah aan helin wax kalsooni ah taa bedelkeedana waxaa ku socda dhiig bax iyo qarax.
Waxyaabaha kale ee hortaagan wadashaqayn buuxda oo dhexmarta hay’addaha amniga dowladda iyo shacabka waxaa ka mid ah cabsigalinta kooxaha hubeysan iyo sidoo kale Siyaasiinta mucaaradka ah oo aad isaga horkeena bulshada iyo dowladda markaas tallada haysa.
Waa maxay caqabadaha hortaagan amniga?
Inkastoo xaaladda amniga caasimadda ay yara soo hagaagayso haddana ma ahan mid joogta ah xasiloonidaasi waxaana shalay oo ugu dambeysay qaraxyo gilgilay Magaalada ay galaafteen labaatameyo ruux oo rayid u badan.
Dadka Muqdisho inta badan waaba iskala qabsadeen qaraxyada waxaana dhimashada iyo dhaawaca uga xanuun badan burburka maskaxeed iyo niyad jabka mustaqbalka ubadkooda.
Caqabadaha ugu waaweyn ee haysta hay’addaha amniga dowladda waxaa ka mid ah hubkii oo wali shacabka gacanta ugu jira, Ciidamada dowladda oo isku dhex daadsan, wadashaqayn xumada hay’addaha amniga dhexdooda, ururka Al-Shabaab oo si hoose uga dhex kalluumeysanaya hay’addaha amniga islamarkaana abuurtay gacmo u fududeeya howlgaladooda qarsoon iyo kuwooda muuqda.
Waxyaabaha kale oo saameynta muuqata ku leh amniga xumada waxaa ka mid ah hubaal la’aanta tirada iyo tayada ciidamada dowladda guud ahaan, laaluushka, sameynta dukumentiyada been abuurka ah ee hay’addaha dowladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay, kuwaas la aaminsan yahay inay fududayaan dhibaatooyinka la xiriira amni darrada iyo qaska.
“Way sahlan tahay in hadda laguu sameeyo nuuc kasta oo dukumenti dowladeed ah ama mid hay’addaha gaarka loo leeyahay, kaliya lacag ayaa kaa xigta,” ayuu yiri shaqsi ka mid ah ganacsatada yar yar e Magaalada Muqdisho oo magaciisa u qariyay sababo amni dartood…… Halkaan wax kasta waa lacag, sharciga xagga noo dhig ayuu sii raaciyay”.
Qaraxyada halakeeyay ummada mala joojin karaa?
Jawaabtu waa maya: way adagtahay inaad hor istaagto qof gurigiisa uga soo baxay inuu xumaan sameeyo oo waliba isagu isdilo ama is qarxiyo hawoto gadiid ama halugeeyo. Hase ahaatee waxaa marag ma doonta ah in la yareyn karo khasaaraha ka dhalan kara aafada qaraxyada, taa micnaheeduna waa in hay’addaha amniga dowladda ay ku ceebaysan yihiin inaysan lahayn sirdoon xoog leh oo ka hortaga weerarada ama ugu yaraan si sahlan ku heli kara xogta marka ay wax dhacaan kadib. Haddii si kale loo dhigo waxaa aad u liita kahor taga iyo ka dabataga dhibaatooyinka amni ee ka jira caasimadda, waxaana sababta ugu wayn ay tahay daciifnimada sirdoonka Soomaaliya oo aan haysan tayadii iyo agabkii loo baahnaa.
Sidoo kale hay’addaha amniga ee dowladda Soomaaliya ee jooga Koontaroollada laga illaaliyo xarumaha dowladda iyo magaalada uma diyaarsana kamana foojigna weerarada nuucaan ah, wax cashir ahna kama bartaan wixii hore u dhacay. Sheekadoodu waxay noqotay Hooyadu Foosha Xanuunkeeda waa ay hilmaantaa muddo kadib!
“Ma jirto cid joojin karta qof inuu is dilo rabo, laakin qofka u sahlaya ee nagu dhex jira ayaa ka sii khatar badan kaas isqarxinaya,” ayuu yiri sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada Booliska” kaasoo diiday inaan magaciisa si rasmi ah u xigano.
Yaa maalgaliya oo qarash ku bixiya dhimashada iyo dhaawaca dadka Soomaaliyeed?
Shaki kuma jiro in gacmo shisheeye ka shaqaynayaan mushkillada iyo burburka Soomaaliya hase ahaatee waxaan meesha ka maqnayn kaalinta dadka Soomaaliyeed laftigoodu ku leeyihiin dhibaatada. Waxa jirta qaacido shagaysa haddii aadan Xalka qayb ka ahayn waxaad qayb ka tahay dhibaatada. Taasina waa sax, haddii aysan jirin cid maalgalinaysa gaadiidka qaraxyada lagu soo rarayo iyo cidda ku soo rareysa ma jiri lahayn dhibaatada taagan.
Taa micnaheedu waa in dadka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwooda hantida haysta, ganacsato ugu yeer hadaad rabto, ay iibinayaan iyagoo nool Karfantooda iyo tan dad kale ee Soomaaliyeed, waxayna iyagoo lafahooda u cabsanaya ay maalgaliyaan kooxda Al-Shabaab si dadban iyo si toos ah. Laakin waxaa hubaal ah in qof kasta oo Soomaali ah oo qarash u bixiya isagoo naftiisa u cabsanaya sidii loo jari lahaa naf kale uusan isna ka badbaadi doonin dhimashada iyo qaraxa.
“Waxaan ognahay dadka ku dhinta ama hantidoodu ku burburto qaraxyada inay ka mid yihiin maalgaliyaasha kuwa qaraxyada gadiidka ku soo raraya,” ayuu yiri ganacsade magaciisa ku soo koobay Shuceyb. “Innagoo Naxashkeena suuqa ka soo iibsanayna ayaan rabnaa in haddana amniga la suggo oo qaraxyada la joojiyo,” ayuu si layaab leh isku waydiiyay Shuceyb….. Sheekadu waxay taagan tahay I Qarxi aan ku Maalgaliyee, (Bomb Me and I would invest you!) ayuu sii raaciyay”.
Hadalsame Media