Ciidamada amaanka oo la sheegay inay Xasan Daahir kala wareegeen qalabkii uu wax kusoo gudbinayay

0

(Muqdisho) 23 Dis 2018 – Ciidamada amaanka ee dowladda Somalia ayaa la sheegay inay agab isgaarsiineed kala wareegeen Xassan Daahir Aweys oo baraha bulshada dhowr muuqaal soo dhigay jeer uu xiran yahay.

Md Aways oo gacanta dowladda ku jira tan iyo markii uu kasoo baxsaday Al Shabaab oo uu mar olog la ahaa balse ay markii dambe fikrad ahaan is fahmi waayeen ayaa beryihii dambe muran ka dhex abuuray bulshada kaddib markii la arkay isagoo muuqaallo soo dhigaya baraha.

Ciidamada amaanka ee DF ayaa la sheegay inay la wareegeen mobile nooca smart ah iyo qalab kale oo isgaarsiineed, waxaana la sheegay inay tahay markii 3-aad. Aways ayaa dhaliiley qaar ka mid ah go’aannada dowladda sida xiritaankii Rooboow.

Hadalsame Media