(Muqdisho) 22 Dis 2018 – Waxaa sii kordhaya khasaaraha ka dhashay qarixii Gaariga loo adeegsaday ee ka dhacay agagaarka Tiyaatarka Qaranka ee Magalada Muqdisho.
Dadka qaraxaas Manta ku dhintay ee la xaqiijiyay ayaa waxaa ka mid ah Wariye Cawil Daahir Salaad ama Cawil Axmed Absuge (AUN) oo ka mid ah Wariyeyaasha Tv-ga Universal iyo Saddex ka mid ah Shaqaalaha Tv-ga.
Waxaa jiro dad kale oo qaraxaasi ku dhintay iyo kuwo kale oo ku dhaawacmay welina laamaha amniga Soomaaliya faah faahin kama bixin qaraxaas.
Xigasho: Idaacadda Dalsan
Hadalsame Media