Qaar ka mid ah Ciidamada AMISOM oo laga saarayo Soomaaliya

0

(Bujumbura) 22 Dis 2018 – Sida laga soo xigtay Midowga Afrika dowladda dalka Burundi ayaa sheegtay in 1, 000 askari oo ka mid ah ciidamadeeda qaybta ka ah AMISOM ee jooga Soomaaliya dib loogu celin doono dalkooda sida ugu dhaqsiyaha badan.

Burundi ayaa la sheegaa inay tahay dalka labaad ee ciidamada ugu badan ka joogaan Soomaaliya waxaana inta nadan ciidamada Burundi ka howlgalaan gobolka Shabeellada dhexe.

“Soomaaliya waxaa inaga joogo ciidamo gaaraya 5,400 waaxana nahay wadanka labbaad ee ciidamada ugu badan ugu deeqay Soomaaliya marka laga soo tago Uganda , waxaana inoo qorsheysan in ilaa 1,000 kamid ah ciidamadeena aan kala soo baxno, waana codsi ay midowga Afrika inaga codsadeyn” ayuu lagu sheegay war ka soo baxay wasaaradda Difaaca Burundi.

Hadalsame Media