(Torino) 22 Dis 2018 – Waxaa caawa kulanka ugu adag horyaalka Talyaaniga ee Serie A ku ballansan labada camaaliqo ee Juventus iyo AS Roma oo ku ciyaaraya Torino.
Dhanka Juve: Allegri ayaa ku tiirsan shaxda 4-3-3. Daafaca waa tiirka Chiellini soo raacaya midkood Bonucci iyo Benatia (ninka cad cad). De Sciglio ayaa daboolaya dadabka midig, Alex Sandro isna waa dhanka bidix. Bentancur, oo ganaax soo dhamaystay ayaa dhexda ku wehlinaya Matuidi iyo Pjanic. Waaxda weerarka Dybala ayaa kubadda u farsamaynaya Mandzukic iyo Ronaldo.
Dhanka Roma: Di Francesco oo dhaawac diloodey ayaa warsan helaya oo waxaa usoo noqday weeraryahan Dzeko, balse ma sahlana inuu safka hore kasoo muuqdo bilowgiiba, waxaa sidaa darteed weerarka dhexe taagan Schick. De Rossi, Pellegrini iyo El Shaarawy maba loo yeerin. Waxaa isna maqan Coric.
KAYDKA LABADA KOOXOOD
- 22 PERIN, 21 PINSOGLIO, 24 RUGANI, 19 BONUCCI, 37 SPINAZZOLA, 6 KHEDIRA, 23 EMRE CAN, 11 DOUGLAS COSTA, 33 BERNARDESCHI, 18 KEAN
- 83 MIRANTE, 63 FUZATO, 15 MARCANO, 5 JUAN JESUS, 3 LU.PELLEGRINI, 2 KARSDORP, 17 UNDER, 27 PASTORE, 8 PEROTTI, 9 DZEKO
GANAAXAN
- –
- –
AAN LA HELI KARIN
- Barzagli, Cuadrado, Cancelo
- El Shaarawy, Lo. Pellegrini, Coric, De Rossi

Hadalsame Media