(Beijing) 22 Dis 2018 – Waxaa la xaqiijiyay inuu been abuur yahay bog Twitter-ka laga sameeyay oo iska dhigayay inuu leeyahay Bankiga Dhoofka iyo soo Dejinta Shiinaha kaasoo sheegtay inuu Somalia la galay heshiis ay dadku ka qayliyeen.
Wuxuu Exim Bank boggiisa Twitter-ka kusoo qoray sidatan: ”Bankiga iyo dowladda Somalia waxay ku heshiiyeen heshiis amaah ah oo $200milyan oo doollar ah oo dib loogu dhisayo dekedda Muqdisho.”
Sheekadu halkaa kuma harin oo wuxuu kusii daray: ”Bankigu wuxuu xuquuq u gaar ah u yeelan doonaa ka kalluumaysiga xeebaha Somalia isagoo qayb ku yeelan doona milkiyadda dekedda inta qaanta si buuxda looga bixinayo.”
Koontada saxda ah…
Marka loo kuurgalo koontada uu warkani ku qoran yahay waxay u muuqataa mid aan haysanin xaqiijinta uu Twitter siiyo hay’adaha iyo shakhsiyaadka rasmiga ah, waxaa dheer inay dad aad u yari ku xiran yihiin iyo in ay badankoodu Soomaali yihiin taasoo ah arrin muujinaysa in boggaa loo sameeyay si bug ah.
Hadalsame Media