(Milano) 22 Dis 2018 – Macallin Arsene Wenger ayaa u muuqda ninka ugu cad cad macallimiinta bedeli doona Gennaro Gattuso haddii lacalla albaabka la tuso kaddib guuldarradii ay galabta 1-0 gurigooda kula dhufatay Fiorentina.
Shaqada macallin Gattuso ayaa muran ku jirta kaddib guushii galabta ee uu kaligii ka shaqeeyay Federico Chiesa, iyadoo sida ku qoran Tuttomercatoweb, haddii Rossoneri aysan 6-da ka urursan Frosinone iyo SPAL, Gattuso la raacin doono sanadka sii dhamaanaya ee 2018.
Macallinkii hore ee Arsenal ee Wenger ayaa haatan kusoo baxay ninka ugu cad cad, gaar ahaan jeer ay wada shaqayn fiican lahaayeen Ivan Gazidis – Agaasimihii Guud ee Gunners – oo haatan xilkaa oo kale ka haya AC Milan.
Musharrax kale oo dookh furan noqon kara waa halyeeygii hore ee AC Milan, Roberto Donadoni, kaasoo Bologna iskaga tegey xagaagii.
Hadalsame Media