Faahfaahin ku saabsan khasaaraha ka dhashay qaraxyada ka dhacay Muqdisho

0

(Muqdisho) 22 Dis 2018 – In ka badan 10 ruux ayaa ku dhintay qaraxyo ka dhacay Magaalada Muqdisho kuwaas sidoo kale gaystay burbur baahsan. Weerarka koo waayaad ayaa ka dhacay meel u dhow Tiyaatarkaa Qaranka waxaana uu gaystay khasaare badan,.

Qaraxa labaad oo daqiiqada kadib dhacay ayaa ka dhacay Daljirka Daah-soon kaasoo lala eegtay ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya oo gurmad ahaan ugu soo socday goobtii markii qaraxii hore ka dhacay.

Ururka Al-Shabaab oo sheegtay weeraradaan ayaa sheegay inay beegsadeen Barokoontarool oo ciidamada amniga Soomaaliya ka illaaliyaan Madaxtooyada Soomaaliya.

Dowladda ayaan wali ka hadlin weeraradaan oo ku soo beegmaya xili asbuucyadii la soo dhaafay ay deganayd xaaladda caasimadda marka laga reebo dilal qorsheysan oo loo gaysanayay dadka shacabka ah iyo shaqaalaha ka tirsan dowladda.

Hadalsame Media