(Hadalsame) 22 Dis 2018 – Michael Jetter oo bare ka ah jaamacad ku taala dalka Colombia ayaa sheegay sanadkii 2015 in saxaafada iyo adeegsiga baraha bulashada ay door weyn ka qaataan faafinta iyo sii kordhinta dhibaatooyinka ay geystaan kooxaha argagaxisada.
MICHEAL AYAA ARRINTAN SABABEEYAY
1. In weerarada argagaxisada ay helaan indhaha saxaafada oo ay qabsadaan Talafishinada, Raadiyaha, Jaraa’idka iyo Mareegaha, internetka taas oo sababta in dad badan oo aan dan ka laheyn awal ay u dhugmo yeeshaan halkaana ay ku faafto fariintii argagaxisada.
2. In baraha bulshada la dhaxmushaaxiyo sawiro keeni Kara in laga baqo argagaxisada ama ay helaan dad u jeel qaba figradahooda.
Hadaba, maanta waxaa Xamar ka dhacay labo qarax oo ay ku dhinteen dad aan waxbo galabsan oo ay arxanlaawayaasha ay xasuuqeen.
DHIIRRIGELINTA QARAXYADA
Qaraxii koowaad markii uu dhacay waxaa meesha tagay saraakiil ciidan, madax iyo shacab si ay ugu gurmadaan dadka waxyeeladu soo gaaratay Durbadiiba waxaa baraha bulshada qabsaday fariimo iyo muuqaalo muujinaya halka qaraxa uu ka dhacay iyo cida joogta,sidoo kale saxaafada ayaa iyaduna tabisay sida ay wax u socdaan.
QARAXII LABAAD AYAA DHACAY!
Ma ogtahay in ay dhici karta in xubno ka tirsan dadka qaraxa soomaleegay ay facebook ku jireen ayna halka kala socdeen sida ay was u dhacayaan oo ay ogaan karaan qofka ka badbaaday iyo halka uu joogo ama saraakiisha iyo madaxda kale ayna u gaarsan karaan?
Hadaba Soomaaliyeey sideen ku yareeynaa khatarta aan maalin kasta qaybta ka nahay?
Waxaa Qoray: MM Dhoorre
Hadalsame Media