(Kismaayo) 22 Dis 2018 – Khadiijo Aadan Cabdi (Khadiijo Kuwayt) oo ka mid ah xildhibaannada heerka gobol ee maamulka Jubbaland ayaa sheegtay in laga soo cayriyay magaalada Kismaayo ee caasimadda KMG ah ee gobolkaasi.
”Waxaan lasoo cararay lafaheeyga” ayay tiri Khadiijo oo sheegtay inay nool yihiin dhowr qof oo is fahmey.
Khadiijo ayaa ka sheegatay in sida ay sheegtay ay cadaalad darro baahsani ka jirto awood qaybsiga gobolka, gaar ahaan qaabka xilalka loo qaybsaday.
Waxay Khadiijo ku doodday in sad-bursi ballaarani ka taagan yahay Jubbaland iyadoo sheegtay in xitaa aysan nolol wanaagsan haysanin ciidamada suga amaanka Kismaayo iyo kuwa jooga degaannada kale ee maamulka.
Hadalsame Media