DAANDAANSI: Maraykanka oo sanka ka marmaraya Iiraan! + Sawirro (Markab wayn oo gaarey xeebaha dalkaasi)

0

(Gacanka Beershiya) 22 Dis 2018 – Jeer ay labada dal is dhaafsanayeen hanjabaado furan, ayay Pentagon qaadeen tillaabo dheeri ah iyagoo markab nooca dayuuradaha qaada ah u diray Gacanka Beershia (Persian Gulf), xilli ay Iiraan dhigayso dhoolla tus “ballaaran” oo ay dhigayaan ciidamada Badda dalkaasi oo ay isha isku hayaan kuwa Maraykanka.

Markabka nukliyeerka tamaraysta ee USS ‘John C. Stennis,’ oo ay leeyihiin raxanta 5-aad ee saldhigata Bahrain, ayaa shalay soo gaarey Gacanka Beershiya.


“Waxaannu isku dayaynaa inaannu howlgal ahaan noqonno kuwo aan la saadaalin karin,”

Waa markii ugu horreeysey ee uu markab qaradan lihi uu kasoo tillaabo Marinka Hormuz ee uu gaaf wareego xeebaha Iiraan tan iyo markii uu Donald Trump ka baxay heshiiskii wada jirka ahaa ee Joint Comprehensive Plan of Action (JCPOA) ee laga gaarey barnaamijka nukliyeerka Iiraan bishii Maajo.

“Waxaannu isku dayaynaa inaannu howlgal ahaan noqonno kuwo aan la saadaalin karin,” ayay tiri afhayeenadda markabkaasi, Lieutenant Chloe Morgan, oo ay xiganayso AP, taasoo muujinaysa inay soo afjarantay bilihii ay maraakiibta Maraykanku ka maqnaayeen xeebaha Iiraan.

Hadalsame Media