(Athens) 21 Dis 2018 – Ciidamada Xoogga dalka Giriigga ayaa ku hanjabey inay ”dardari doonaan” haddii ay Turkigu ciidamo soo geliyaan jasaa’irka lagu muransan yahay ee Bad-yarada Aegean Sea – balse Ankara ayaan u muuqanin mid taa wax wayn u arkaysa.
Mar uu Wasiirka Daafaca Giriigga, Panos Kammenos, uu ka hadlayay wax uu ku sheegay ciidamada cirka Turkiga oo 138 jeer maalin qura kusoo xadgudbey hawada Giriigga, ayuu sheegay inay hadda kaddib eedi doonaan arrintaasi.
“Haddii ay dhaqaaq yar sameeyaan, waannu jebin doonnaa,” ayuu yiri Kammenos oo sheegay in waloow ay Athens doonayso nabad iyo muwaafaqo aanay misna cidna uga habran doonin “hal cm” oo dhulkooda ah.
Tiiyoo ay NATO ku wada jiraan, misna Giriigga iyo Turkigu waa col soo jireen ah, iyadoo jamhuuriyadda Turkey la aasaasay kaddib dagaal lagu hoobtay oo ay la gashay Giriigga 1923-kii, waxayna markale dagaal furan iskula sigteen jasiiradda Qubrus 1974-kii. Waxay iminka isku hayaan jasiiradaha yar yar ee Aegean Sea sidii dhibcihii ugu taxan.


Hadalsame Media