(Muqdisho) 20 Dis 2018 – Xildhibaanka Amxed Macallin Fiqi ayaa ka hadlay sawir saacadihii labada ahaa ee ugu dambeeyay qabsaday baraha bulshada oo ah isaga iyo RW Khayrre oo wada qoslaya, kaasoo ay dadku ku sheegeen kulan dhex maray.
Fiqi oo ka mid ahaa xildhibaannadii riixayay mooshin iminka la sheegay inuu dhicisoobey ayaa bartiisa Facebook kusoo qoray sidatan:
”Waxaa jira qolooyin sawiro hore loo galay u ekeysiinaya kuwa cusub ama waqti dhow la galey, si aan ugu caddeeyo kuwa sawirkaan hoose Nafta ka raadinaya in uu ahaa 7 bilood ka hor, goobtuna ay ahayd Hotel Sahafi MUQDISHO.
Wuxuu sii hadloo wuxuu farta ku fiiqay tafaasiil ku saabsan asalka sawirka isagoo leh: ”Cidda kaliya oo habeenkaas sawirada qaadaysayna waxay ahaayeen sawir qaadashayaasha Raysulwasaarah, waxaan ka xumahay In sawiro hore dadka loogu ekeysiiyo kuwa cusub. Mana garan karo faa’idada ay ka helayaan falkaas.
”Waxaan rajaynayaa Asxaab badan oo isoo weydiisay sawirkan In ay ka qanceen.” ayuu kusoo afjaray warkiisa.
Hadalsame Media