(Torino) 20 Dis 2018 – Kooxda Juventus ayaa durba wada xaajood la bilowday laacibka soo baxaya ee Matthijs de Ligt, balse Ajax ayaa laacibka ku dalbanaysa adduun dhan €60-70m.
Laacibkan reer Dutch ee caalamiga ah ayaa haatan ah laacibka ugu shidan xiddigaha soo baxaya ee qaaradda Yurub, isagoo todobaadkan uun Torino ku qaatay abaalmarinta ”Wiilka Dahabiga ah” ee ay bixiso Tuttosport ee ‘Golden Boy
Kooxaha Barcelona iyo Manchester City ayaa laftoodu aad u daneeynaya adeegga wiilkan, balse Juve oo laacibka shukaamis ku bilowday soona tustay gegada Allianz Stadium xagaagii tegey, ayaa waxaa u dheer inay xiriir wanaagsan la leedahay wakiilka Mino Raiola.
Sida ku qoran Tuttosport, kooxda Bianconeri ayaa durba wada hadal la furtay maareeyayaasha Ajax iyagoo hollinaya inuu xiddigu xagaaga kusoo biiro safkooda.
Hadalsame Media