(Kampala) 20 Dis 2018 – Madaxwaynaha Uganda ee Yoweri Museveni ayaa cambaarayn dusha uga tuuray gabadha haysata Quruxda Afrika oo uu ku eedeeyay “xirashada timo Hindi ah oo bug ah”.
Madaxwaynaha oo soo Tweet gareeyay sawirka gabadhan ay isku dalka yihiin ee Quinn Abenakyo in yar kaddib guusheeda isagoo yiri “waa inaannu quruxda Afrika ku muujinnaa qaabkeeda dabiiciga ah”.
Mar afhayeenka Mr Museveni la waydiiyay waxa uu madaxwaynuhu ula jeedo “timo Hindi”, wuxuu Don Wanyama ugu jawaabey BBC: “Sawirka uun arag kaddib waad fahmi doontaa nooca tinta. Waa buruko bug ah, wuxuuna u sheegay inay daysato tinteeda dabiiciga ah.”
Dad badan baa baraha bulshada ku difaacay Miss Abenakyo iyo dookheeda iyagoo ku dooday inay xaq u leedahay inay xirato wixii ay ku faraxsan tahay, iyagoo weerar ku qaaday warka Museveni ee “tin Hindi”.
Hadalsame Media