DEG DEG: Guddoonka Baarlamanka oo ku dhawaaqay inuu burey mooshinkii & in la dhisayo Maxkamadda Dastuuriga ah

0

(Muqdisho) 20 Dis 2018 – Warqad rasmi ah oo kasoo baxday Guddoonka Baarlamanka Somalia Md Maxamed Mursal Cabdiraxmaan ayaa lagu sheegay inuu burey mooshinkii laga keenay Madaxwaynaha Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Guddoonka ayaa warqaddiisa ku sheegay in loo danaynayo xaaladda uu dalku marayo si loo abuuro xasillooni siyaasadood oo lagu qaban karo howlaha hor yaalla dowladda dalka.

Wuxuuna guddoonku sidaa ku sheegay in uu sidaa ku baaba’ay mooshinkii la keenay 9-kii bishan Diseembar, wuxuuna dhanka kale Guddiga Garsoorka ee Baarlamanka ugu baaqay inay la howlgalaan Wasaaradda Cadaaladda si loogu dhaqaaqo yagleelidda Maxkamaddii Dastuuriga ahayd oo ah xubin muhim ah oo ka maqan nidaamka Somalia, oo marar badan sharciga lagu murmo.

Hadalsame Media