(Madrid) 20 Dis 2018 – Xilli uu socdey barnaamijka la yiraahdo “Jorge Ramos y su Banda” oo ka baxa ESPN, ninkii bandhigga daadihinayay ayaa eedayn wayn oo musuq ah u jeediyay madaxwaynaha Real Madrid, Florentino Perez.
Ramos oo ah weriye u dhashay Uruguay ayaa dadka tusay farriin uu sheegay inuu usoo diray qof u dhow Perez, kaasoo sida uu qabo la diray Diseembar 12 (5 maalmood ka hor samaynta isku aadka Champions League ee Isniintii dhacay), waxaana farriinta ku cad Florentino oo UEFA ku cadaadinaya inay ku aaddiyaan Ajax (taasoo ah sida dhacday). Weriyaha ayaan se kashifin isha uu warkan ka helay ama wax kale oo uu sheegashadiisa ku xoojinayo.
Hubaal se, arrintan ayaa sii shideeysa tuhun awalba la isla dhex marayay oo ahaa inay UEFA u xagliso dhanka Real, taasoo sii laxaadsatay markii la sheegay in Perez uu UEFA ka dhaadhiciyay in Luka Modric la siiyo Ballon d’Or, kaalinta labaadna gelisey Cristiano Ronaldo oo isla sanadkan ka wareegey kooxdaasi.
Lugta hore ee Real Madrid-Ajax ayaa lagu dheeli doonaa Amsterdam 13-ka Febraayo, iyadoo lug celiska lagu ciyaari doono Santiago Bernabeu Maarso 5.
Hadalsame Media