”Wixii Baydhabo maanta ka dhacay doorasho ma ahayn” – AAW

0

(Muqdisho) 19 Dis 2018 – Hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ganafka ku dhuftay doorashadii maanta kusoo gebagaboowdey magaalada Baydhabo ee lagu doortay Madaxwayne Cabdicasiis Lafta gareen.

AAW ayaa boggiisa sidii caadada ahayd kusoo qoray sidatan: ”Waxa maanta Baydhabo ka dhacday ma ahay doorasho, laakiin waxay sawir horudhac naga siinaysaa sida ay nala maagan yihiin kooxda talada haysa doorashada 2020 ka.

”Hadii la leeyahay si musharaxa aan wato u soo baxo waxaan dilayaa 30 ruux, waan xabisayaa cidii isku dayda in ay la tartanto, waxba igama gelin talada gudoomiyihii Baarlamaanka, xildhibinaadii labada Aqal ee deegaanka ka soo jeeday, odayaashii dhaqanka iyo beesha Caalamka. Waxaa hubaal ah in Baydhabo mar kale sanadka soo socda ay doorasho ka dhici doonto.

Wuu sii watoo wuxuu yiri: ”Madaxweyne Xasan Sheekh markii uu saaxibkii C/kariin Guuleed u dhisayey Galmudug wax kasta wuu la garab istaagay, laakiin wuxuu ogolaaday in si furan oo xoriyad leh loola tartamo. Waa tii ay wareegii hore isku ag dhaceen isaga musharaxii mucaaradka Xildhibaan Axmad Fiqi.

AAW ayaa rajo xumo ka muujiyay waxa dhici kara doorashada heer qaran ee 2020 isagoo leh: ”Ma filaayo in Madaxweyne Farmaajo doorasho diyaar u yahay sanadka 2020 ee waa in inagoo wadajirna talo ka yeelanaa in aanan sugin tan maanta Baydhabo ka dhacday in ay nagu timaado 2020ka.”

Dad badan ayaa qaba in ay dalka dan u tahay in la helo maamul-goboleedyada iyo dowladda oo sidii hal dal u shaqeeya si dalka looga hirgeliyo qorshe qaran oo dib loogu yagleelayo dowladnimada dalka.

Hadalsame Media