Jaamacadda Carabta oo malaayiin ku taageeraysa Somalia

0

(Qaahira) 19 Dis 2018 – Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta (Arab League (AL) Ahmed Aboul-Gheit ayaa kulan uu la qaatay Wasiirka Maaliyadda Dr Abdirahman Duale Beileh wuxuu sheegay inay dhanka horumarinta ka taageerayaan Somalia.

Aboul-Gheit ayaa hoosta ka xarriiqay wax uu ku sheegay sida ay uga go’an tahay taageerada Jaamacadda Carabta ee Somalia ee dhanka amaanka iyo xasilloonida, sida uu faafiyay afhayeen JC Md Mahmoud Afifi.

Kulan qorshayneed laba maalin qaatay oo ku qabsoomay caasimadda Jaamacadda Carabta ee Qaahira, ayaa looga gol leeyahay in lagu dejiyo baahiyaha ay qabto dowladda Somalia iyo sida loo kala hor marinayo sanadaha yar ee soo aaddan si horumar loogu tillaabsado.

Waxaa warka lagu sheegay in ururka JC uu qaban doono shirwayne Carbeed oo lacago loogu yaboohayo horumarinta Somalia, taasoo uu aad usoo dhoweeyay Wasiirka Maaliyadda Somalia.

Isha: xinhuanet

Hadalsame Media