Faahfaahin saabsan weerar lagu dilay dad Itoobiyaan ah oo ka dhacay Mooyaale

0

(Mooyaale) 19 Dis 2018 – Ugu yaraan 12 ruux oo Itoobiyaan ah ayaa lagu dilay kadib howlgal ciidan oo ka dhacay Hotel Kuyaala Magaalada Mooyaale oo ay ka jiraan xiisado colaadeed u dhaxeeya qawmiyadaha Oramada iyo Soomaalida.

Wararkaan oo soo baxay saakay ayaa sheegaya in shilkaani uu dhacay iyadoo ciidamada Federaalka Itoobiya wadahadal kula jireen labada Qawmiyadood ee colaadu u dhaxeyso, waxaana halkaasi looga hadlayay sidii labada dhinac u ogolaan lahaayeen in amniga Mooyaale lagu wareejiyo ciidamada Federaalka Itoobiya.

Isku dhacaan ayaa dabajooga shaqaaqooyin u dhaxeeyay maalmahan qawmiyaddaha Soomaalida iyo Oramada, hase ahaatee illaa hadda macada dhinac sida rasmiga ugu lugta leh dhacdadaan ugu dambeysay.

Maamullada Soomaalida iyo Oramada ayaa aqbalay in guud ahaan amniga Mooyaale lagu wareejiyo ciidamada dowladda dhexe ee Itoobiya.

Hadalsame Media