YARIISOW:- “Nus Malyan Barakacayaal ah ayaa ku nool Muqdisho,”

0

(GENEVA) 19 Dis 2018 –  Duqa Magaalada Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa shir caalami ah uga qaybgalaya Magaalada Ganeva ee dalka Switzerland.

Shirkaan waxaa diirada lagu saarayaa arrimaha Qaxootiga Adduunka iyo barakacayaasha waxaana soo qaban qaabisay Qaramada Midoobey.

Shirkaan ayaa la sheegay inuu socon doono labo maalmood iyadoona laga arrinsanayo xal u helista dhibaatooyinka ku xeeran nolasha dadka qaxootiga ah iyo sidii xal waara loogu sameyn lahaa dadka barakacayaasha ah.

Mr. Yarisow ayaa ku soo bandhigay shirka caalamiga ah ee qaxootiga caqabada haysta dadka barakacayaasha ku ah Caasimadda Muqdisho, qorsheyaasha Maamulka Gobolka Banaadir ee dib-u-dejinta barakacayaasha iyo sidii xal waara loogu sameyn lahaa.

“Soomaaliya waxa ay ka soo kabanaysaa dhibaatooyinkii ka dhashay colaadihii sokeeye kuwaas oo sababay barakacayaasha kumannaan qoys. Haatan waxaan ka wadnaa Muqdisho qorshe aan ku doonayno in aan nolol wanaagsan u abuurno, dib u dejinna aan ugu celino bulshada in ka badan 500,000 oo ku barakacsan gudaha Gobolka Banaadir.” Ayuu yiri Guddoomiye Yarisow.

Hadalsame Media