(Muqdisho) 19 Dis 2018 – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wafdi u dirtay Magaalada Baydhabo si ay kor joogta uga noqdaan doorashada Maamulka Koonfur Galbeed oo la filayo inay maanta qabsoonto.
Wafdiga dowladda dhexe waxaa hoggaaminaya wasiirka arrimaha gudaha Cabdi Maxamed Sabriye iyo xubno kale oo ka tirsan dowladda Soomaaliya.
Lama oga in sidoo kale ay doorashada kor joogto ka noqon doonaan xubno ka tirsan Beesha caalamka, hase ahaatee waxaa aad loo adkeeyay amniga Magaalada Baydhabo.
Dowladda Soomaaliya ayaa xirtay Mukhtaar Roobow oo ka mid ahaa musharixiinta xilka maamulka Koonfur Galbeed , xarigaas oo ay ka dhasheen rabshado sababay dhimasho iyo dhaawac.
Hadalsame Media