(Baydhabo) 19 Dis 2018 – Wararka ka imaanaya Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ayaa sheegaya in amaanka magaaladaasi saaka aad loo adkeeyay xili la filayo in la qabto doorashada hoggaamiyaha maamulka Koonfur Galbeed.
Ciidamo fara badan oo ka tirsan kuwa maamulka Koonfur Galbeed, ciidamada dowladda Soomaaliya oo ay wehliyaan ciidamo ka tirsan Midowga Afrika ayaa la dhigay dhamaan waddooyinka muhiimka ah ee Magaalada Baydhabo.
Doorashada Koonfur Galbeed oo ah mid xiiso gaar ah leh ayaa la filayaa inay maanta qabsoonto, kadib markii dhowr jeer oo hore ay dib u dhacday.
Hadalsame Media