Shirkadda Kenya Airways oo ka hadashay sicirka tigidhada duullimaadka isku xiraya Nairobi-Muqdisho

0

(Nairobi) 18 Dis 2018 – Shirkadda Duulimaadyada ee Kenya Airways ayaa sheegtay ina si rasmi ah ugu dambeyn u go’aansadeen inay bilaabaan duulimaadyo toos ah oo Muqdisho & Nairobi ah.

Shirkadda oo horay labo jeer u hakisay duullimaadyadan oo lagu wadey inay bilowdaan bishii Nofeembar ayaa iminka sheegtay xilliga rasmia ah sida uu ku dhawaaqay Xoghayaha Fulinta ee Shirkadda Kenya Airways Sebastian Mikosz .

Duullimaadka tooska ah ayay KA Nairobi kaga soo duulli doontaa 1:00 Duhurnimo, waxayna Garoonka Aadan Cadde ku soo degi doontaa maalin kasta  saacaddu marka ay abbaarayso 1:45 daqiiqo ee gelinka dambe, waana 45 daqiiqo masaafada Xamar iyo Nairobi.

Sharikadda ayaa sheegtay in tigidhada sii soco iyo soo socoda ah ee Muqdisho iyo Nairobi “Go and Back” lagu jaran karo 403 Doollar halka lugta qura ay noqonayso 218 Doollar.

Waa shirkaddii 3-aad oo caalami ah kaddib Ethiopian iyo Turkish Airlines ee caalamka ku xirta Soomaaliya, waxaana bartamaha sanadka xiga iyaduna soo kordhaysa Qatar Airways.

Hadalsame Media