(Muqdisho) 18 Dis 2018 – Waxaa shalay iyo doraat Wadahadal u socday Guddoomiyaha Golaha shacabka iyo labadiisa ku xigeen oo dhinac ah iyo Guddomiyaha iyo Ra’iisal wasaaraha oo dhinac kale ah, welina lama shaacin wixii kasoo baxay, lkn waxaa ka muuqda guulo cusub oo aan horay u dhicin, mudanna in la bogaadiyo sida:
1. In ay is xilqaamaan xubno ka tirsan Golaha Shacabka oo dadaal u galay in uusan xirmin Goluhu, hakadna gelin hawlihiisu, lagana gudbo (Kanna-siib kanna saar) oo aheed dhaqan horay looga bartay Siyaasiyiinta Somaaliya.
2. In Sancada Wadahadalka iyo Fududaynta kulanka aysan ka qeybgelin Ajnabi iyo Hay’ado ama Shakhsiyaad ka baxsan Xubnaha Golaha taas oo ah Rajo cusub oo muujinaysa in Ha’adaha Dawladdu ay Xallisan-karaan Khilaafkooda.
3. In Gudoomiye ku xigeenadu ay ka roonaadan Gudoomiyaha ayna soo raad-raacaan, soona cara-celiyaan, taasna waxa ay muujinaysaa Bisayl Siyaasadeed.
4. In Xukuumadda iyo Barlamaanku ay wada hadlaan isna fahmaan taas oo ah arrin ku cusub Siyaasada Somaaliya iyaga oo horay u ahaan-jiray Bisad iyo Jiir ay ka dhaxeeyso Fursad Mooshin iyo is khaarijin.
5. In Xildhibaanada Mucaaradku aqbalaan Wadahadalka iyo Badbaadinta Barlamaanka mar haddii ay ku guul daraysteen Mooshinkii dhaliyay Khilaafka, taasna waa arrin ugub ah in Siyaasi Mucaarad ah gar-qaato.
Hadaba waxaan rajaynaynaa in Wadahadaladu u sii gudbaan Golaha Shacabka iyo Madaxtooyada, lana wada badbaadiyo Ha’adaha Federaalka si horay loogu socdo loona ilaaliyo guulihii la gaaray labadii sano ee lasoo dhaafay.
W/Q: Mohamed Gacal
Hadalsame Media