(Muqdisho) 18 Dis 2018 – Sheekh Cali Wajiis oo ka mid ah culimada Soomaaliyeed ee magaalada Muqdisho ayaa isagoo ka hadlaya xaflad lagu qabtay Royal Palace Hotel ka hadlay arrimihii ugu dambeeyay ee dalka.
Sheekha ayaa soo hadal qaaday mooshin aan dhulka ka kicin oo ay qaar ka mid ah xildhibaannadu sheegeen inay beri dhowayd ka keeneen Madaxwaynaha dalka.
”Anigu mooshinkaas sidiisaba baadil ayaan u arkaa, waayo looma keenin maslaxo umadeed, tan kale Madaxwaynahana inaan la ridi karin waa wada ognahay” ayuu yiri Sheekh C Wajiis.
Sheekh Cali Wajiis ayaa umadda ugu baaqay in sharaf iyo cisi lagu yeesho in la noqdo umad wax qabsata, deggan, waxbarata iskuna duuban ee aan meelna lagu gaarin tafaraaruq iyo foowdo.
Halkan hoose ka dheeho…
Hadalsame Media