DAAWO: ”Madaxwaynuhu waa inuu Baarlamanka hor tagaa!” – Sh Soomoow

0

(Muqdisho) 18 Dis 2018 – Sheekh Soomoow oo ka qayb galay shir ka dhacay Royal Palace Hotel ayaa Madaxwayne Farmaajo usoo jeediyay inuu mooshinka ajiibo haddii buu yiri uu sax yahay.

”Dastuurka lagugu soo doortay waxaa ku yaalla in haddii mooshin sax ah lagaa keeno aad hor tegeyso Baarlamanka. Aqbal hadduu sax yahay!” ayuu soo jeediyay Sh Soomoow oo sheegay inuu mooshinku yahay xuquuq dastuuri ah.

Soomoow ayaa sheegay in haddii uu mooshinku jaban yahay inay soo caddeeyaan laga doonayo Maxkamadda iyo Baarlamanka (dabcan Maxkamaddii Dastuuriga ahayd weli ma dhisna).

Sh Soomoow ayaa dhanka kale Baarlamanka dhexe u jeediyay inay ka taxaddaraan tillaabooyinkooda. ”Baarlamanka waxaan u sheegaynaa waddanka dumin uma rabno, waxaan horay u niri yaan mooshinba la keenin, welina waa aaminsan nahay.” ayuu yiri Soomoow oo ku baaqay in xal la raadiyo.

Hoos ka daawo…

Hadalsame Media