DAAWO: ”Inaan xijaab ku xirto Koongaraysku waxay dhiirri gelinaysaa dumarka Muslimiinta ah”

0

(Minnesota) 18 Dis 2018 – Ilhaan Cumar oo taariikh dhigtay kaddib markii ay noqotay haweenaydii ugu horreeysey ee Muslimad ah ee fariisata Aqalka Wakiillada ee Koongarayska Maraykanka ayaa taariikh kale sii samaysay.

Taariikhda kale waa in iyada darteed loo bedelayo xeer Maraykanka ka shaqaynayay muddo 181 sanadood ah si ay khamaarkeeda ula dhex fariisato Koongarayska, maaddaama aysan gabadha kale ee reer Falastiin aanay inta badan badan madaxa daboolanin.

Ilhaan Cumar ayaa tiri ”Inaan xijaabkeyga ku dhex xirto Congress-ka waxay astaan iyo dhiirrogelin u noqoneysaa dumarka Muslimiinta ah.”

Halkan hoose ka daawo…

Hadalsame Media