(Nyon) 17 Dis 2018 – Isku aad-aadkii kooxaha tunka weyn ee kubada cagta qaaradda Yurub ayaa maanta la sameeyay.
Manchester United Imtixaan adag ayaa sugaya maadaama PSG – Paris Saint-Germain ay isu balansan yihiin iyo wiilasha aan waaban ee Neymar Jr., Kylian Mbappé iyo Edi Cavani.
Liverpool FC waxa ay haystaan tababarihii kaliya ee ka celin karay Bayer Munich, tolow ma ka faaiidaysan doonaan.?
Juventus haddii ay Atlético de Madrid ka soo gudubto kooxaha kale ee Yurub waxa ay u noqonaysaa farriin cabsi gelisa, iyadoona Cristiano Ronaldo uu horey saddex jeer uga soo tallaabsaday Kooxda Atletico, wareegyada dhammaadka UCL.
kulammada Tottenham Hotspur iyo ROMA FC ay la leeyihiin kooxaha FC Porto iyo Borussia Dortmund waa kulammo xiiso badan, maadaama ay isu dheella tiran yihiin kooxahani, waxaana laga filan karaa 4 ciyaarood oo aad u qurux badan.
Real Madrid C.F., FC Barcelona, Manchester City kaligood ayaa heesi doona, sababtoo ah kooxaha AFC Ajax, Olympique Lyonnais – OL iyo FC Schalke 04 tabar saas ah ma hayaan ay ku wajahaan saddexaan kooxood oo ah quwadaha kubadda cagta qarnigan.
Waxaa Diyaariyay: Maxamuud Bashiir Jaamac
Hadalsame Media