(Muqdisho) 15 Dis 2018 – Xildhibaanno fara badan oo tiradooda la isku khilaafsan yahay ayaa la sheegayaa inuu iminka shir uga soconayo Hotel SYL.
Xildhibaannadan oo lagu sheegay inay boqol ka badan yihiin, ahna kuwa diiddan mooshinka ka dhanka Madaxwaynaha dalka ee Farmaajo ayaa ka arrinsanaya tillaabada xigta ee ay qaadayaan.
Kulankan ayaa sidoo kale ah kulan ay cududooda ku muujinayaan oo dhoolla tus ah, waloow ay haboonayd in uu Baaralamanku ku kala boxo cod iyo qaacada shirarka.
Hadalsame Media